Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxa ay Dhalinyarada Soomaaliyeed udiyaarisay Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyyed SQDHs 2023- 2030. Siyaasadaan cusub oo la sameeyay 2023 ayaa la diyaariyay ka dib markii dabu- eegis lagu sameeyay qorshe-siyaasadeedkii 2017-2021, oo aan wali la dhaqangalinnin. Sababta loodhaqangali waayay iyo waxyaalaha ku cusub qorsha la tifaftiray ee 2023 ayaa ku xusan lifaaqa 1-aad Siyaasadaan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa lasameeyay 2023-kii ka dib markii lagala tashaday daneeyayaasha arrimaha dhallinyarada Soomaaliya, waxaanay siyaalo kaladuwan gacan uga gaysteen inlasameeyo siyaadaan qaran ee dhalinyada soomaaliya. Sidaa darteed waxa ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu jeceshahay in ay u mahadceliso cid kasta oo wasaaradda kala shaqaysay dhammaystiranka hawshan Ugu danbayn waxa ay wasaaraddu u mahadcelinaysaa ka qaybqaatayaasha Qorshe-siyaasadeedkanoo ay ka mid yihiin wasaaradaha kala duwan, laamaha gobollada iyo haayadihii abuuray wadashaqaynta dhinacyada badan iyo go’aanka iskaashiga iyo wada-shaqeynta ee ka dhaxeeya dhammaan heerarka dowladda Waxa kale oo aannu bogaadin iyo mahadcelin u hibaynaynaa dhallinyarada kala duwan jiilasha ah, oo intii siyaasadaan socotay wakhtigooda u huray in ay dareenkooda, aragtidooda iyo talobixintoodaka dhiibtaan dajinta siyaasadaan. Tani waxa ay naga caawisay ka baaraandagga iyo ibofurka arrimo kale oo muhiim ah, waxa kale oo ay jidbixiye u noqotay horumarinta iyo kobcinta awoodda dhallinyarada Soomaaliya, iyada oo lagu tallaabsaday hab iyo hannaan ay bulshadu ka midaysan tahay-madax illaa mijo.
Halkan riix si’aad ra’yigaaga iyo taladaada ugu biiriso